James Woods iyo xiddigaha kale ee Hollywood ee uu saameeyay dabkii California

Inta badan dhinaca Hollywood marka aad eegto waxa ay indhahaagu qabanayaan qiiq iyo holac weyn. Kuuma suura geleyso inaad nadiif ah u aragto dhammaan geedaha timirta ah ee dhaadheer ee ku teedsan waddooyinka.

Dadka caanka ah ee Hollywood-ka ayaa ka mid ahaa kuwii u ordayay in ay naftooda kala baxsadaan California oo uu dabku faro ba’an ku hayo iyada oo uu sii fidayo, qaar badan ayaase guryohoodii ku waayay.

Waa kuwee dadka caanka ah ee guryahooda waayey?

Jeff Bridges iyo Mel Gibson ayaa ka mid ah dadka caanka ah ee ku guryo beelay dabkii halista ahaa ee ka kacayay Los Angeles.

Jilaaga caanka ah ee Bridges oo u dhashay dalka Maraykanka kuna guulaystay abaal marinta Oscar-ka iyo jilayaagii taxanaha ee TV-ga The Old Man, ayaa waayay gurigii uu ka deganaa Malibu oo isaga iyo walaalihiis ay ka dhaxleen waalidkood.

Scroll to Top